Ciidamada Dabdemiska Hargeysa oo Laba Guri oo Jiingada damiyay.

#Hargeysa Guri Jiingada oo dab qabsaday Ciidamada Dabdemiska Hargeysa oo u gurmaday.
Ciidanka Dab-demiska magaalada Hargeysa ayaa damiyay dab qabsaday Guri Jiingad ah oo ku yaala degmada 31 May.
Ciidanka ayaa ku guuleystay xakamaynta iyo Daminta dabkaas oo ahaa mid khasaare gaadhsiin karayay guryihii u dhawaa,mana Jirin khasaare dhaawac iyo dhimasho ah oo uu dabkani sababay. Sababta Dabkan dhalisay waxaa ku socota baadhis.
Ciidanka Dab-demisku wuxuu halkan fariin uga dirayaa bulshada Somaliland in ay ka digtoonaadaan wax kasta oo keeni ama sababi kara dab.

Dhanka kale iyadana waxaa ciidamadu u baxeen guri kale oo jiingada oo ku yaala degmada Gacanlibaax ee magaalada Hargeysa, waxaana ciidamadu ku guuleysteen xakamaynta iyo daminta dabkaas.
Allah Mahad leh